Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Kubad Sameeye Ay Si Ba’an U Dooneysay

Manchester United Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Kubad Sameeye Ay Si Ba’an U Dooneysay


toni-kroos

Tababare Louis Van Gaal ayaa bilaabay ugaarsigii ugu horeeyay ee Manchester United kadib markii kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ay heshiis shaqsi ah la gaartay kubad sameeyaha xulka Jarmalka iyo Kooxda Bayern Munich Toni Kroos.

The Express ayaa shaacisay in naadiga lagu neynaaso Shayaadiinta Cas-Cas ay heshiis shaqsiyaadeed la gaartay Toni Kroos wuxuuna wargeyska intaas ku daray in Man United ay iska iloobi doonto Cesc Fabregas.

Manchester United ayaa isku day xoog leh sameysay bishii January ee kal hore iyadoo dooneysay saxiixa xidigaan inkastoo aysan suuro galin balse wargeyska ayaa arintaan u aaneynaya in Kroos uu haatan ku aamin qabo tababare Van Gaal oo horay macalin ugu soo noqday Bayern Munich.

24-jirkaan reer Jarmal ayaa qandaraaska uu kula joogo Bayern waxaa kaga haray 12-bilood isagoo ka biyo diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Allainz Arena ku ciyaarta.

Van Gaal ayaa diiwaanka ay ugu jiraan xidigo kale oo waaweyn balse arintaan ayey saxaafadu hadal heysaa madama 72-saac in ka yar ay kasoo wareegtay magacaabista Van Gaal isagoona ugaarsigii ugu horeeyay kusoo qabtay Toni Kroos.

Hadaba Muxuu Toni Kroos Ka Badali Karaa Manchester United?

XIGASHO:

United Agree

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close