The Daily Star ayaa helay xog muhiim ah oo ku aadan wadahadalkii u socday goolhaye David De Gae iyo kooxdiisa Man United wuxuuna wargeskan sheegay in haatan labada dhinac ay heshiis wada gaareen sidoo kalena dhawaan si rasmi ah loo shaacin doono in goolhayaha xulka Spain ka tirsan uu qalinka ku duugi doono heshiis waqtigiisa dheer yahay, De Gae ayaa xili cayaareedkan kusoo baxay laacibka Man United ugu muhiimsan sidaa darteed maamulka kooxdan waxay doonayaan inay goolhayahan dhalinta yar uu sanado badan garoonka Old Trafford baaqi kusii ahaado wararka ayaa intaas ku daraayo in heshiiskan cusub uu ku kici doono ilaa £18million waayo labo sano dheeraad ah ayuu heshiiskiisa De Gae ku kordhin doonaa taasi oo ka dhigan in ilaa sanada 2018 uu United kasii mid ahaan doono.
23-jirkan haatan Man United wuxuu todobaad walbo ka qaataa £52,000 balse heshiiskan cusub ayaa u ogolaan doono inuu hada kadib todobaad walbo ku shaqeeyo £85,0000 sidoo kalena lacago dheeraad ah ayuu kasban doonaa hadii uu United guulo la qeebsado sanadaha uu Old Trafford baaqi kusii ahaan doono, goolhayahan dhalinta waxaa ku raad joogeen kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo damac xoogan kaga jiray inay dib ugu celiyaan La Ligaha Spain balse haatan waxaa hubaal ah iany hamigooda dib ula laaban doonaan madaam De Gae uu ku faraxsan yahay ka mid ahaan shaha United sidoo kalena uu lacago badan hada kadib ku shaqeyn doono, De Gae oo horey ugu cayaari jir Atletico Madrid ayaa dhawaan loo doortay laacibkii ugu fiicnaa kooxda Man United xili cayaareedkii 2013/14 ee dhawaan soo gaba gaboobay.