Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Halis Ugu Jirto Inay Lumiso Iskoor 25-sano U Yaalay

Manchester United Oo Halis Ugu Jirto Inay Lumiso Iskoor 25-sano U Yaalay


U

Ma fiicno xalaada haatan ka taagan gudaha garoonka Old Trafford waayo Man United markale garoonkeeda waxaa kaga badisay naadiga Sunderand oo 1-0 ku qaarijisay waxaana goolkan dhaliyay Sebastian Larsson daqiiqadii 30-aad, guuldaradan wax yaabo badan ayay qaribi rabtaa waayo Man United iskoor u yiilay mudo 25-sano ah ayaa meesha ka bixi rabo waxaan ula jeednaa hadii Man United aysan guuleesanin labada kulan ee xili cayaareedkan u harsan waxa hubaal ah in United xili cayaareedka dambe laga weyn doono guud ahaan tartamada Yurub laga cayaaro waxaana ugu dambeesay xaaladan oo kale oo soo marto kooxdan faca weyn xili cayaareedkii 1988/89 waxaana xusid mudan in sanadkaas dhamaan kooxaha England ay tartamada Yurub ka ganaax naayeen wixii xiligaas ka dambeeyay Unite si joogto ah ayay tartamada Yurub uga qayb qaadeensay ha ahaado Champion, UEFA/Europa League ama Cup Winners’ Cup oo aan haatan la cayaarin.
Man United haatan 6-dhibcood ayay ka hooseysaa naadiga Tottenham hadii kooxda London ka dhisan ay hal dhibic hesho kulankeeda ugu dambeeyo oo ay la cayaari doonto Aston Villa iyada ayaa tartanka Europa League usoo bixi doonto halka Man United sanadka dambe Yurub laga weyn doon, waxaa naga xasuusin ah in labo todobaad ka hor Man United la xaqiijiyay in markii ugu horeesay mudo 19-sano oo xariir ah aysan koobka horyaalada Yurub ka qayb qaadan doonin haatana kooxda uu macalinka u yahay Ryan Giggs waxay qarka u saaran tahay inuu ku habsado iskoor kale oo aysan jeclaan doonin taageerayaasha Man United sidaa darteed kooxdan ku cayaarto garoonka Old Trafford waa inay guuleesataa labada kulan ee u harsan Premiership-ka sidoo kalena Tottenham laga badiyo hadii kale sanadka dambe United laguma arki doono tartamda Yurub.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close