Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Doorbideysa Saxiixa Da’yarka Hogaamiya Xulka Colombia

Manchester United Oo Doorbideysa Saxiixa Da’yarka Hogaamiya Xulka Colombia


Rodriguez has been impressive for Colombia.

Manchester United ayaa isha ku heysa qaab ciyaareedka da’yarka reer Colombia James Rodriguez kaas oo ka tirsan kooxda As Monaco ee dalka faransiiska.

22-jirkaan heerka caalami ayaa ciyaara khadka dhexe weerarka sidoo kalana wuxuu ciyaari karaa meelaha ka banaan garoonka wuxuuna haatan wacdaro ka dhigayaa koobka Aduunka, sadex kulan oo uu ciyaaray 2-gool ayuu shabaqa ku shubay isagoo u suura galiyay in Colombia ay kusoo baxdo 9-dhibcood.

Xidigaan da’da yar ayaa kubada cagta kasoo galay Envigado oo ka ciyaarta Colombia inkastoo sanad kaliya ay ku qaadatay inuu banaanka isku soo dhigo, wuxuuna usoo guuray kooxda Banfield  ee dalka Argentina laba sano ayuu ku qaatay wuxuuna usoo guuray Yurub Horyalka Portugal ayuuna iska soo xaadiriyay ka hor inta uusan As Monaco kusoo biiri xili ciyaareedkii hore.

Tababare Louis Van Gaal ayaa isha ku haya da’yar kooxda kor usoo qaada sidoo kalana waxaa xidigaan isha ku haya kooxaha Paris Saint Germain, Atletico Madrid iyo Chelsea.

Si Kastaba James Rodriguez ayaa fursad u heli doona inuu Old Trafford ku ciyaaro hadii ay Monaco iyo United isla fahmaan xaalada xidigaan da’da yar.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close