Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Dib U Dhigtay Magacaabista Tababare Louis Van Gaal

Manchester United Oo Dib U Dhigtay Magacaabista Tababare Louis Van Gaal


Louis van Gaal

Louis Van Gaal ayaa loo magacaabi rabaa xilka tababaranimo ee Manchester United, balse sida ay fahantay Mirror Sports magacaabista macalinkaan ayaa dib loo dhigay ilaa isbuuca soo aadan si kooxda u ogaato halka ay ku dhameysan doonto xili ciyaareedkaan.

Man United ayaa doorbideysa iney dib u dhigto magacaabista Van Gaal oo la filayay in isbuucaan loo magacaabo xilka tababaranimo ee Manchester United, xili tababarahaan reer Holland uu 20-kiisa xidig ee hordhaca ah tababarka wado isagoo ku sugan xerada tababarka Hoenderloo.

62-jirkaan ayaa Xulka Oranje hogaamin doona koobka aduunka ee bisha soo aadan ka furmi doona dalka Brazil, waxaana haatan xulkiisa hordhaca ah ku jira sadex wiil oo markii ugu horeysay lagu daray qaranka.

Ryan Giggs ayaa si kumeel gaar ah u haya xilka Man United kaas oo xalay kulan u eg kiisii ugu dambeeyay Old Trafford guul u hogaamiyay isagoo qeyb ka qaatay kulanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close