Kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ee Manchester City ayaa isku dayeysa iney lasoo saxiixato daafaca kooxda Arsenal Bacary Sagna kas oo isfahamdaro ay ka dhexjirto isaga iyo kooxdiisa, waxaase la aaminsan yahay inuu kooxda ka dhaqaaqi doono dhawaan.
Sida ay sheegayaan warbixino ku dhaw Manchester City kooxda Shiekh Mansuur ayaa dooneysa iney mushaar badan kusoo jiidato Bacary Sagna iyadoo siineysa 150,000 Isbuucii.
Daily Mail ayaa cadeysay in 31-jirkaan uu xagaagan ka dhaqaaqi doono garoonka Emirates iyadoo la arkayay shalay intii ay socotay dabal dagii koobka FA Cupka loogu soo wareejinayay waqooyiga London in jamaahiirta kooxda ay macsalaameeyeen xidigaan.