Home » Maxaa Cusub » Man City Oo Dooneysa Iney Mudo Gaaban Isticmaasho Frank Lampard Ka Hor Horyaalka Mareykanka

Man City Oo Dooneysa Iney Mudo Gaaban Isticmaasho Frank Lampard Ka Hor Horyaalka Mareykanka


Lampard

Halyeeyga Chelsea Frank Lampard ayaa cadeystay inuusan dooneyn inuu waji cadaawad leh ku wajaho Jamaahiirta Jacyelka u qaba ee Blues iyo kooxdii uu tariikhda ka dhigay balse Manchester City ayaa dooneysa iney badasho maanka kubad samayehaan reer Ingiriis kaas oo u guuray horyaalka mareykanka.

Kabtanka Labaad ee Ingiriiska ayaa heshiis la gaaray kooxda Mareykanka ee New York City ee ka dhisan horyaalka mareykanka balse kooxdaan waxaa milkiyadeeda leh Manchester City.

35-jirkaan ayaa ka hayaamay kooxda Blues, inkastoo Manchester City ay dooneyso ka hor furitaanka horyaalka mareykanka oo ku aadan March 2015 iney wajiga hore ee horyaalka soo aadan ay u isticmaasho ciyaariyahan ahaan.

Si Kastaba Manchester City ayaa dooneysa iney ka faa’ideysato qibrada halyeeygaan qaaliga ku ah Premier League inkastoo ay wali meesha taalo balantii uu Blues ka qaaday Jamaahiirta taaso aheyd inuusan marnaba ka hor imaan doonin kooxdiisa.

Lampard ayaa noqon dona bisha soo aadan ee June 36-jir, Mirror Football ayaana arintaan baahisay walow aan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Frank Lampard.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close