Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Chelsea Ku Garaacday Saxiixa Mehdi Benatia Kana Saxiixday Heshiis Shaqsi Ah

Manchester City Oo Chelsea Ku Garaacday Saxiixa Mehdi Benatia Kana Saxiixday Heshiis Shaqsi Ah


Benatia-486231

Chelsea ayaa u muuqata iney lumisay loolanka loogu jiro saxiixa Mehdi Benatia, kadib markii daafaca reer Morocco ee Roma u ciyaara uu heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester City.

27-jirkaan heerka caalami ayaa miisaan culus ku yeeshay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna noqday xidiga loogu doonist abadan yahay kadib markii uu xili ciyaareed aan caadi aheen ku qaatay kooxda Roma isagoo ka caawiyay iney soo istaagto kaalinta labaad oo ay mudo ugu dambeysay.

Warar ka imaanaya magaalada Manchester oo ay qortay Express ayaa shaaca ka qaaday in kooxda uu hogaamiyo Manuel Pellegrini ay heshiis la gaartay Mehdi Benatia, balse kooxda Roma ayaa walwal ka qabta iney weyso Benatia iyadoon heysan badalka xidigaan.

Kooxda Roma oo dooneysa iney wacdaro ka dhigto Koobka Horyaalada Yurub xili ciyaareedka soo aadan ayaan wax hadal ah ka dhihin, sidoo kalana Roma waxey xidigaan ku bixin kartaa 30 Malyan Oo Pound.

Express

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close