Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Wada Hadal La Furtay Dhigeeda Benfica Sidii Looga Iibin Lahaa Xidig Muhiim Ah

Man United Oo Wada Hadal La Furtay Dhigeeda Benfica Sidii Looga Iibin Lahaa Xidig Muhiim Ah


Nicolas-Gaitan

Kooxda Man United ayaa sheegtay inay wada xaajood la furtay dhigeeda naadiga Benfica waxayna ka dooneysaa xidiga dhalinta yar ee khadka dhexe ku wanaagsan Nicolas Gaitan, waxayna United ku raad joogtay laacibka reer Argentina sandihii ugu dambeeyay balse uma suura galin inay gacanta kusoo dhigto, wararka ka imaanayo dalka Portugal ayaa sheegay in United ay saraakiil u dirtay magaalada Lisbon si ay wada xaajood ula furaan maamulka Benfica, madaama kooxda Zenit iyada dhankeeda dadaal ay ku dooneyso soo xero galinta Nicolas Gaitan waxay Man United ku qasbanaan doontaaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan kooxda Benfica gacanta ugu galiso 25-milyan oo pound waana qiimaha lacageed ee Gaitan qandaraaskiisa lagu jebin karo.

Geeska kale Man United ayaa dhigeeda Benfica ku wareejin doonto wiilka dhalinta yar Bebe madaama xidigan dhalinta yar xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday uu amaah kula joogay kooxda Pacos de Ferreira sidoo kalena wacdaro xoog leh ka dhigay horyaalka Portugal sidaa darteed 23-jirkan diyaar ayuu u yahay inuu Benfica ku biiro madaama ay kooxdan ka qayb qaadan doonto xili cayaareedka cusub koobka horyaalada Yurub tani waxay u sahli doontaa in Man United inay gacanta kusoo dhigto Nicolas Gaitan oo ka mid ah xidigaha khadka dhexe ugu wanaagsan qaarada Yurub.

Close