Home » Africa » Man United Oo Uga Cabsi Qabtay Juventus Iney Ka Qaadato Adnan Januzaj Si La Mid Ah Paul Pogba

Man United Oo Uga Cabsi Qabtay Juventus Iney Ka Qaadato Adnan Januzaj Si La Mid Ah Paul Pogba


Manchester-United-Reserves-v-Manchester-City-Reserves-Cup-Final-838095

Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa cabsi ka qabta in Juventus ay soo jiidasho ku sameyso da’yarka kooxda haatan ee Adnan Januzaj xili Juventus ay wali maskaxdeeda ka go’in Faraska Xulka France Paul Pogba kaas oo isagoo da’yar go’aansaday inuu ku biiro Juventus kal hore.

Iskuduba ridaha Kooxda Juventus Beppe Marotta aya u goodiyay Juventus una sheegay iney sameyn karaan wixii ay sameeyeen 2-sano ka hor markii ay Pogba kasoo qaateen Old Trafford taasoo keentay in Man United uu lasoo darso walwal dhankaas ku aadan.

18-jirkaan heerka caalami ayaa muujiyay dadaal badan kaas oo Man United guul u sahlay kulankii ugu dambeeyay Premier League kulan ay ka hor yimaadeen Sunderland.

adnan-januzaj-manchester-united-wigan-athletic-community-shield_3004788

“Miyey Man United ka cabsi qabtaa iney dhacdo wixii ka qabsaday Saxiixa Pogba” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Juve.

“Waa Xidig Wanaagsan oo leh tayo heer sare ah” ayuu Beppe Marotta ugu dambeyn u sheegay Tuttosports

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close