Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Hogaanka U Qabatay Loolanka Loogu Jiro Xidig ka Tirsan Juventus

Man United Oo Hogaanka U Qabatay Loolanka Loogu Jiro Xidig ka Tirsan Juventus


Pogba and Vidal

Kooxda ka dhisan dalka ingiriiska ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro xidiga khadka dhexe ugu wanaagsan haatan qaarada yurub ee Paul Pogba kaas oo la filayo inuu xagaagan ka dhaqaajiyo koxda Torino ka dhisan.

Da’yarkii hore Man United ayaa waqti fiican ku qaadanaya kooxda Juventus isagoo kula guuleystay laba horyaal wuxuuna door muhiim ah ku leeyahay habsami u socodka qaab ciyaareedka kooxa Juve.

Si kastaba ManchesterUnited ayaa xidigaan dooneysa iney ku qaadato 60 Malyan Oo Pound iyadoo kaga adkaaneysa saxiixa xidigaan Chelsea oo iyana isha ku heysay saxiixa xidigaan.

Sidoo kale kooxaha Real Madrid, Manchester City & Paris Saint Germain ayaa ku jira loolanka saxiixa xidigaan kuwaas oo dhibaatooyin dhanka khadka dhexe ah tirsanaya, Real oo badal u dooneysa Alonso, Man City oo rabta iney ka maaranto Yaya Toure & PSG oo dooneysa iney adkeyso khadkeeda dhexe.

Dhanka kale Juventus ayaa dooneysa iney sii heysato xidigeeda reer France kaas oo haatan ka mid ah xidigaha xulka faransiiska u matalaya koobka Aduunka.

21-jirkaan heerka calami ayaa horay uga dhawaajiyay inuu xili dhib badan kusoo qaatay Old Trafford taasoo adkeyn karta in Pogba uu dib ugu laabto.

Ugu dmabeyntii Louis Van Gaal ayaa laga yaabaa inuu caqabad ku noqdo heshiiskaan kaas oo horay uga diiday Maamulka United dalab ay u direen Toni Kroos.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close