Home » Horyaalada » La liga » Man United Oo Dalab U Dirtay Jordi Alba Maku Guuleesan Doontaa Saxiixa Xidigan?

Man United Oo Dalab U Dirtay Jordi Alba Maku Guuleesan Doontaa Saxiixa Xidigan?


Alba

Wargeska AS ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Man United ay haatan dadaal xoogan ugu jirto sidii ay kusoo xero galin laheed daafaca xulka Spain iyo naadiga Barcelona Jordi Alba, xidigan tayada wanaagsan waxaa taageero weyn u ah macalin Luis Van Gaal oo doonayo in xagaagan garoonka Old Trafford la keeno, Man United dooqeedii kowaad wuxuu ahaa Luke Shaw balse xidigan kooxdiisa Southampton oo aan ku qanacsaneyn dalabka Man United sidaa darteed macalin Luis Van Gaal ayaa madaxda United u sheegay inay Shaw isku wareerinin oo ay haatan diirada saaraan qaabkii Jordi Alba lagu keeni lahaa.

Daafacan tayada wanaagsan waxaa lagu wadaa inuu isbadal sameeyo sidoo kalena macalinka Barcelona dhawaan xilkeeda la wareegtay Luis Enrique diyaar ayuu u yahay inuu Alba iibiyo hadii dalab wanaagsan ay helaan sidaa darteed Man United ayaa sheegtay 25-milyan oo pound inay dhigeeda Barcelona ku wareejin doono si ay Alba kaga hesho. balse lama filaayo in heshiiskan uu xiligan hirgalo waayo Alba wuxuu ku mashquulsan yahay koobka aduunka sidoo kalena maamulka Barcelona waxay doonayaan inuu xidigan qaab cayaareed wanaagsna soo bandhigo koobka aduunka si ay lacago badan iibkiisa uga helaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close