Manchester United ayaa ku waalatay xidigaha Bayern Munich xagaagan iyadoo dalab kale u gudbisay kubad sameeyaha reer Jarmal ahna kabtanka labaad ee kooxda Bastian Schweinsteiger.
Man United ayaa horay ugu raad joogtay Thomas Muller oo iska inkiray, Arjen Robben oo beeniyay inuu Man United aadayo iyo warar kala duwan oo kasoo baxay Toni Kroos inkastoo ugu dambeyn hadalkiisa lagu soo afjaray inuu doonayo sii joogitaanka Allianz Arena.
Si Kastaba Louis Van Gaal ayaa daneynaya inuu mar kale maamulo Bastian isagoo ku sugan Old Trafford waana mashiinka dhaqaajiya kooxda