Home » Maxaa Cusub » Man City Oo Ku Guuleestay Saxiixa Daafaca Awooda Badan Eliaquim Mangala.

Man City Oo Ku Guuleestay Saxiixa Daafaca Awooda Badan Eliaquim Mangala.


Eliaquim Mangala


Ugu dambeyntii kooxda Man City ayaa saxiixa daafaca xulka France iyo naadig FC Porto Eliaquim Mangala ku guuleesatay waxaana xidigan tayada wanaagsan ku raa joogeen kooxaha Barcelona, Man United, Chelsea iyo Arsenal, wararka ka imaanayo dalka Portugal ayaa sheegayo in kooxda Man City ay ogolaatay inay qiimaha Mangala saxiixiisa lagu jebin karo bixiso waxayna kooxda FC Porto heshiiskan ka faa’iidi doontaa €45 madaama labadan naadi ay heshiis wada gaareen Mangala ayaa si rasmi ah Man City uga mid noqon doon marka uu koobka aduunka soo idlaado waayo xulkiisa France ayuu haatan tartankan qiimaha badan kala qayb qaadanayaa.

Kooxda Man City ayaa bilawgii sanadkan ku guul dareesatay saxiixa Mangala madaama ay FC Porto qiimaha xidigan isku faahmi waayeen inkastoo xidigan uu dhawaan sheegay inuu jecel yahay ku biiritaanka Chelsea hadana Mangala wakiilkiisa wuxuu sheegay in dalabka Man City aysan diidi doonin madaama kooxdan ay u balan qaaday boos joogto ah iyo mushaar aad u sareeyo, madama Man City ay dhawaan ku guuleesatay Premiership-ka xili cayaareedkii aan kasoo gudubnay wuxuu macalin Manuel Pelligrini doonayaa inuu xidigan sida ugu dhaqsiyaha badan loogu keeno sidoo kalena uu xili cayaareedka dambe doonayo inuu Mangala iyo Kompany iska garab cayaarsiiyo madaama ay yihiin labo xidig oo aan la loodin karin.

Close