Kooxda Manchester City ee dalka insigiiska ayaa kalsooni ku qabta iney soo afjari doonto heshiiska xidiga khadka dhexe kooxa F.C. Porto Fernando xili ciyaareedkaan xili xidigaan qiimahiisa lagu sheegay £20 Malyan.
Tababaraha Man City Manuel Pellegrini ayaa sameeyay isku day xoogan bishii January ee aynu soo dhaafnay markii uu 40 Malyan ku dalbaday Fernando iyo Saxiibkiisa reer France Mangala.
Inkastoo labada kooxood aysan wali ka wada hadlin heshiiska xidigaan hadana kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium ayaa rajeyneysa iney la saxiixan doonto Fernando marka uu dhamaado xagaagan.
Heshiiska uu kula jiro Fernando waxaa lagu jabin karaa £20 Malyan, sidoo kale Manchester City ayaa isha ku heysa daafaca xulka faransiiska iyo kooxda Porto Managala.
Fernando waa 26-jir ka ciyaara khadka dhexe daafaca wuxuuna awood dheeri ah u leeyahay inuu hakiyo kubada weerarka ee ka imaanaya kooxaha kale.
Ugu dambeyntiina Managala oo 23-jir ah ayaa liiska ugu jira City waxeyna xifaaltan ka heli doontaa kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo ayagana heegan ugu jira Managala.