Home » Maxaa Cusub » Man City Oo Etihad Stadium Ku Garaacday West Brom Talaabana U Qaaday Tartanka Horyaalka

Man City Oo Etihad Stadium Ku Garaacday West Brom Talaabana U Qaaday Tartanka Horyaalka


City

Pablo Zabaleta, Sergio Aguero iyo Martin Demichelis oo ah sadex wiil oo reer Argentina ah ayaa u sahlay in Manchester City ay gudubto West Brom xili macalin Maneul Pellegrini uu wali ku rajo weyn yahay iney  tartami karaan hanashada horyaalka oo ay dad badani aaminsan yihiin iney hal gacan ku heysato Liverpool.

Mancheter City ayaa bilawday bandhiga goolasheeda daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta Samir Nasri ayaa dhanka midig kasoo qaaday laad qurux badan daafaca West Brom ayaa iska saaray iyadoo u gacan gashay Sergio Aguero oo darbo xoogan ku riday goolka West Brom balse goolhaye Foster ayaa ka badbaadiyay Pablo Zabaleta ayaana madax ku dhameytiray.

Waa Goolkiisii koowaad ee uu u dhaliyo Manchester City mudo 15-bilood ah

Samir Nasri ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Manchester City balse kor ayey ka martay darbad xoogan oo uu riday daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta.

West Bromwich Albion ayaa qaaday weerarkii ugu horeeyay iyadoo soo dhalisay gool offside ahaa oo caawiyaha garsooraha uu dhigay daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta.

Manchester City ayaad moodeysaa iney awood u sheeganeyso West Brom Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolkiisii 16-aad ee horyaalka Premier League daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta isagoo kubad qurux badan oo jarmo aheyd kasoo laaday meel ka baxsan xerada ganaaxa.

Stephane Sessegnon ayaa isku day wanaagsan sameeyay kaas oo uu ku doonayay inuu gool ugu dhaliyo West Brom balse meel aan ka fogeyn goolka ayey martay daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta.

Graham Dorrans ayaa dhaliyay gool qurux badan markii kubad weerar rogaal celis ah lagu gaaday Manchester City Zabaleta ayaana kubad laga soo dafay ka hor inta uusan xidiga West Brom Graham Dorrans shabaqa dhex dhigin kubad uu si fiican uga xariiftamay Clichy daqiiqadii 16-aad.

Martin Demichelis ayaa hogaanka u dheereeyay naadiga martida loo ahaa markii uu lugta ku dhaliyay kubad koornada ka timid inkastoo uu soo madaxeeyay Javi Garcia daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta.

Qeybta koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 oo ay hogaanka ku heysto kooxda Manchester City, isku soo noqodkii qeybtii labaadna Man City ayaa cadaadiska ku badisay goolka West Brom inkastoo ay la kulmayaan iska caabin xoog leh oo daafaca West Brom kaga imaaneysa.

Pablo Zabaleta ayaa caawiyay Samir Nasri kubad halis aheyd balse daafaca West Brom ayaa ka block gareeyay kubada koorno ayeyna u noqotay inkastoo aysan ka faa’ideysan hadana daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta.

West Bromwich Albion ayaa isbadal sameysay iyadoo soo galisay Anichebe waxaana ay cadaadis saartay goolka Man City Joe Hart ayana badbaadiyay lab fursadood oo ay gool ku heli kareen.

Joe Hart ayaa mar kale badbaadiyay kubad soo dhaafay Anichebe oo halis aheyd Daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta.

Eden Dzeko ayaa caawinaad ka helay Samir Nasri balse weeraryahanka reer Bosnia ayaa lugta bidix ku darbeeyay kubad qurux badan balse uma noqon daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta.

Ben Foster ayaa badbaadiyay kubad halis aheyd oo ka timid James Milner oo badal kusoo galay ciyaarta qeybteedii dambe, koorno ayey heshay Man City mana k afaa’ideysan.

Manchester City ayaa ugu dambeyntii 3-1 ku martay West Bromwich Albion iyadoo ku raja weyn iney wali u tartami karto tartanka horyaalka.

Natiijaadaan ayaa ka dhigan in Manchester City ay 6-dhibcood usoo jirsato hogaanka horyaalka iyadoo hal kulan gacanta ku heysata.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close