Macalinka Xulka Holland Louis Van Gaal ayaa magacaabay liis hordhac u ah xidigahiisa koobka Aduunka waxaana dhamaan xidigahaan laga soo xulay horyaalka Holland.
62-jirkaan u dhashay dalka Holland ayaa tababar bilaw ah la bilaabi doona 20-kaas xidig waxaana ay 17-ka bisha May la ciyaari doonaan Ecuador kulan saxiibtinimo.
Kaliya maahan in 20-kaan xidig ee horyaalka Holland ka ciyaara ay Oranje u matali doonaan koobka Aduunka balse marka ay soo idlaadaan horyaalada kale ee qaarada yurub waxaa liiska lagu soo biirin doonaa tiro badan oo xidigo ah oo tababarka la qaadan doona xulka.
Ugu dambeynta ay Fifa u qabatay in lagu soo gudbiyo xulka qaranka oo ka kooban 23-xidig oo rasmi ah 2-da June.
Goolhayeyaal: Jasper Cillessen (Ajax), Kenneth Vermeer (Ajax), Jeroen Zoet (PSV)
Daafacyada: Daley Blind (Ajax), Daryl Janmaat (Feyenoord), Terence Kongolo (Feyenoord), Bruno Martins Indi (Feyenoord), Karim Rekik (PSV), Joel Veltman (Ajax), Stefan de Vrij (Feyenoord).
Khadka Dhexe: Jean-Paul Boetius (Feyenoord), Jordy Clasie (Feyenoord), Davy Klaassen (Ajax), Tonny Vilhena (Feyenoord), Georginio Wijnaldum (PSV).
Weerarka: Luc Castaignos (Twente), Memphis Depay (PSV), Jurgen Locadia (PSV), Luciano Narsingh (PSV), Quincy Promes (Twente)