Home » Maxaa Cusub » Macalin Joachim Low Oo Ka Cabsi Qaba Dhaawacyada Xidigihiisa Waaweyn Ka Hor Koobka Aduunka

Macalin Joachim Low Oo Ka Cabsi Qaba Dhaawacyada Xidigihiisa Waaweyn Ka Hor Koobka Aduunka


Germany

Xulka Jarmalka ayaa bilaabay tababarka ay ugu diyaar garoobayaan koobka Aduunka ee ka dhici doona Brazil, balse xidigo badan ayaa laga cabsi qabaa in dhaawacoodu sii daba dheeraado isla markaana ay halis u galaan iney waayaan Koobka Aduunka.

Xulka Jarmalka ayaa kulankooda ugu horeeya la yeelan doona Portugal 16-ka June kulan ka dhici doona Salvador.

Waxaa jira dhaawacyo hor leh oo tababare Joachim Low uu isha ku yaho xaaladooda, Kabtanka Xulka Philipp Lahm, Kabtan ku Xigeenka Bastian Schweinsteiger & Goolhaye Manuel Neuer waana xidigaha ugu muhiimsan xulka.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo yaryar oo aan sidaas u sii weyneyn oo ay qabaan xidigaha Miroslav Klose iyo Sami Khedira kuwaas oo dhaawacyo kasoo toosay ay mudo dheer garoomada kaga maqnaayeen.

Si Kastaba Macalin Low ayaa rajo wanaagsan ka qaba in wiilashiisa ay diyaar u noqdaan iney kasoo muuqdaan koobka Aduunka, isagoo ku amaanay shaqooyinkii wanaagsanaa ee ay kasoo qabteen kooxahooda.

“Si taxadar leh ayaan u eegeynaa xaalada xidigahaan, waxaana rajeynayaa iney ka qeyb galaan Koobka Aduunka, waayo waa xidigo muhiim ah oo aan laga maarmin” Ayuu Joachim Low u sheegay saxaafadda.

Xulka Jarmalka ayaa haatan la magacaabay 30-xidig, waxaase laga doonayaa Joachim Low inuu soo yareeyo isagoo ka dhigi doona 23-xidig ka hor bisha June 2-deeda.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close