Home » Maxaa Cusub » Macalin Frank De Boer Oo Aqbalay Inuu Tababare U Noqdo Kooxda Tottenham Hotspur

Macalin Frank De Boer Oo Aqbalay Inuu Tababare U Noqdo Kooxda Tottenham Hotspur


Frank

Tababaraha reer Holland Frank De Boer oo haatan ah macalinka loogu doonista badan yahay qaarada Yurub madaama uu kooxda Ajax 4-horyaal oo xariir ah u qaaday ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay dalabka Tottenham sidoo kalena uu xagaagan Premiership-ka England imaan doono wuxuuna yiri “waxaan diyaar u ahay inaan dalabka Tottenham aqbalo sidoo kalena kulan la qaato maamulka kooxdan balse midaas ma dhici doono ilaa 3-bisha May marka aan Ajax hogaamiyo kulankeeda ugu dambeeyo ayaan wax walbo si rasmi ah u kala xaqiijin doonaa” tababaraha dhalinta yar ayaa lagu wadaa inuu badalo Tim Sherwood oo xili cayaareedkan dadaalay balse ku guul dareetay inuu Spurs usoo saaro koobka horyaalada Yurub.

Macalinka reer Holland ayaa jeclaan lahaa in hogaanka Spurs looga dambeeyo si uu u dhiso koox awood badan wuxuuna yiri “Tottenham waa naadi wanaagsan waxaana jeclaan lahaa in xasilooni dheeraad ah la siiyo tusaale waxaa kuugu filan hawsha wanaagsan ee uu Brendan Rodgers Liverpool ka qabtay dabcan aniga hawshaas oo kale Tottenham ayaan ka qaban karaa hadii aan helo waqti igu filan iyo kasooni buuxdo” wararka laga helaayo dalka Holland ayaa sheegayo in kooxda Tottenham ay si toos ah ula xariirtay agaasimaha kooxda Ajax Marc Overmars waxayna kala hadleen in macalin de Boer ay la xaajoon karaan waxaana la sheegayaa in loo fasaxay taasi waxay soo dadajin doontaa in tababarahan tayada wanaagsan xili cayaareedka Premiership-ka England uu ka hawl galo.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close