Home » Maxaa Cusub » Macalimiinta Xulalka Talyaaniga & Ivory Coast Oo Iska Casilay Xilalka Kadib Foolxumadii Koobka Aduunka

Macalimiinta Xulalka Talyaaniga & Ivory Coast Oo Iska Casilay Xilalka Kadib Foolxumadii Koobka Aduunka


cesare-prandelli_2

Tababarahii xulka Talyaaniga Cesare Prandelli ayaa iska casilay shaqada tababarnimo ee xulka talyaaniga kadib markii wiilasha Azzuri ay ku fashilmeen iney usoo gudbaan wareega 16-ka markii labaad madama ay ku fashilmeen iney guul ama barbardhac ka helaan Uruguay.

tababarahan reer talyaani ayaa heshiis ilaa 2016-ka ah kula jiray xulka Talyaaniga balse guuldaradii Uruguay ayaa qasabtay inuu ka tago shaqada tababaranimo ee xulka.

Dhanka kale tababarahii xulka Maroodiyaasha (Ivory Coast) ayaa isna iska casilay xilka tababaranimo ee xulkaas kadib markii ay waayeen iney usoo gudbaan koobka Aduunka wareegiisa 16-ka.

Ivory Coast ayaa aheyd wadankii ugu fursada fiicnaa iney usoo gudbaan wareega 16-ka balse gool yimid waqtigii dhimashada oo uu dhaliyay Samaras ayaa daaqada ka tuuray Ivory Coast.

Si Kastaba Sabri Lamouchi oo u dhashay dalka faransiiska ayaa isak casilay xilka tababaranimo ee xulka Ivory Coast waana macalinkii labaad ee iska casila shaqadiisa wadamada kusoo fashilmay koobka Aduunka, Cesare Prandelli ayaana kaga horeeyay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close