Home » Maxaa Cusub » Maamulka Juventus Oo Qanciyay Antonio Conte “Ma Bixi Doonaan Xidigaha Waaweyn”

Maamulka Juventus Oo Qanciyay Antonio Conte “Ma Bixi Doonaan Xidigaha Waaweyn”


Pogba and Vidal

Maareeyaha ciyaaraha ee kooxda Juventus Beppe Marotta ayaa xaqiijiyay in lasoo afjaray xurguftii hoose ee u dhaxeysay maamulka naadiga iyo tababare Antonio Conte, isagoo intaas ku daray in xidigaha ugu muhiimsan kooxda aysan ka tagi doono Torino isla markaan ay baaqi kusii ahaan doonaan Serie A-da.

Barcelon, Real Madrid, Paris Saint Germain, Man United & Chelsea ayaa dalabyo kala duwan usoo diray wiilasha udub dhexaadka u ah kooxda Juventus Paul Pogba & Arturo Vidal waxaana Conte loo xaqiijiyay iney joogi donaan wiilashiisa ugu muhiimsan.

Maamulka Juventus iyo Antonio Conte ayaa qilaaf baahsan uu soo kala dhexgalay kadib markii maamulka ay damceen iney iibiyaan Pogba iyo Vidal halka Conte uu doonayo inuu Champions League bartilmaameedsado.

“Waan cadeynay fikirkeena” ayuu Marotta u sheegay Bocconi University. “Waxaan nahay koox guuleysatay kaas oo leh hogaamiye macalin ah”

“Sababtaas, waxaan beeninayaa bixitaanka xidigaheena waaweyn”

“Real Madrid waxey na tustay xushmada ay u heyso Vidal iyo Sidoo kale Pogba, balse sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ula kulmi doonaa waxaana ka saxiixi doonaa heshiis cusub”

Sidoo kale Marota ayaa ka hadlay Saxiixa Drogba.

“Drogba waxaa lagu heli karaa si xor ah, waana u gudbinay dalab, sidoo kale waxaan la hadalnay Udinese inagoo kala hadleyna Pereyra wadahadaladana wey socdaan”

“Alexis Sanchez? Waan jecelnahay dhabtii, balse wali uma aanan dhaqaaqin”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close