Home » Horyaalada » La liga » Ma Ogtahay Taariikh Ahaan In Xulka Spain Ay 8-Cayaaryahan U Safteen 100-Kulan Iyo Wixii Ka Badan Barnaamij Gaar Ah (Kororso Aqoontaada Sports)

Ma Ogtahay Taariikh Ahaan In Xulka Spain Ay 8-Cayaaryahan U Safteen 100-Kulan Iyo Wixii Ka Badan Barnaamij Gaar Ah (Kororso Aqoontaada Sports)


spainchampions

Ma ogtahay Mirslov Klose inuu yahay cayaaryahanka kale ee sedex koob aduun dhaliyay tartan walbo goolal gaarayo ilaa 4-gool, 2002 wuxuu dhaliyay 5-gool 2006 sidoo kale 5-gool halka 2010 uu dhaliyay 4-gool.

Ø  Ma ogtahay taariikh ahaan in xulka Spain ay 8-cayaaryahan u safteen 100-kulan iyo wixii ka badan waxayna xidigahaas kala yihiin: Iker Casillas (149-kulan), Xavi (126), Zubizarreta (126), Sergio Ramos (109), Xabi Alonso (107), Fernando Torres (106), Raúl (102) & Carles Puyol (100).

Ø  Akhristow ma ka warqabtaa in naadiga Arsenal ay 9-cayaaryahan u xirteen lambarka 11-aad taariikhda Premiership-ka laga soo bilaabo sanadii 1992 waxayna xidigahaas kala yihiin: Eddie McGoldrick (1993-95), Glenn Helder (1995-96), Nicolas Anelka (1996-97), Marc Overmars (1997-2000), Sylvain Wiltord (2000-04), Robin van Persie (2004-10), Carlos Vela (2010-11), André Santos (2011-13) and Mesut Özil (2013 – ).

Ø  Ma ogtahay in labada xidig ee u dhalatay dalka France Jean-Pierre Papin iyo  Zinedine Zidane  ay kala noqdeen labada cayaaryahan ee ugu qaalisan xiliyo kala duwan waxayna noqdeen xidigaha ugu qaalisan xiliyadan kala duwan: Papin sanadii 1992 (Marseilles to AC Milan, £10m ),  Zidane sanadii 2001 (Juventus to Real Madrid £46m).

Ø  Ma ogtahay in xagaagan oo kaliya naadiga Sevilla 6-cayaaryahan oo ay laheed ka iibisay kooxaha Premiership-ka waxayna xidigahaas kala yihiin: Jesus Navas (Sevilla – Manchester City), Alvaro Negredo (Sevilla – Manchester City), Antonio Luna (Sevilla – Aston Villa), Gary Medel (Sevilla – Cardiff City), Luis Alberto (Sevilla – Liverpool) iyo José Campaña (Sevilla – Crystal Palace), sidoo kale iyadana kooxda Chelsea ayay qaab amaah ahaan kaga qaadatay Marko Marin!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close