Home » Maxaa Cusub » Ma Ogtahay Akhristow In Kooxaha Juve, Torino Iyo Inter Milan Ay Heestaan Iskoorka Ah Inay Qaadeen 5-Horyaal Oo Xariir Ah

Ma Ogtahay Akhristow In Kooxaha Juve, Torino Iyo Inter Milan Ay Heestaan Iskoorka Ah Inay Qaadeen 5-Horyaal Oo Xariir Ah


 Juventus-FC-v-SSC-Napoli-2012-Italian-Super-Cup

Waa Mar kale iyo Barnaamijkeenii Kororso Aqoontaada Sports oo aad maalin kasta saacada geska Africa markay tahay 8:00 Subaxnimo kala socotaan www.hiilkubad.com. waxaana miiska noo saaran qodobaan

  • Ma ogtahay akhristow in kooxaha Juve, Torino iyo Inter Milan ay heestaan iskoorka ah inay qaadeen 5-horyaal oo xariir ah waxayna koox walbo sameesay Iskoorkan xiliyadan kala ah: Juventus (1930 ilaa 35), Torino (1945 ilaa 1949) iyo Inter Milan (2005 ilaa 2010).
  • Ma ogtahay in aqristow naadiga Inter Milan ay tahay kooxda ugu cayaarista badan Serie A-da waayo 82-sano ayay ka qayb qaadatay horyaalka heerka 1-aad ee dalka Talyaaniga taariikh ahaan.
  • a ogtahay in aqristow in FIFA ay ku mideesan yihiin 208-dal waxayna FIFA ka badan yihiin xubanhooda wadamada ku mideesay Qaramada Midoobay kuwaas oo gaarayo 193-dal!
  • Ma ogtahay in halyee Jürgen Klinsmann uu xulkiisa Jarmalka kala qayb qaatay 6-tartan oo heer caalami ah waxaana xusid mudan in tartan walbo uu gool ka dhaliyay  laga soo bilaabo Euro 1988 ilaa FIFA World Cup 1998 marnaba Jurgen tartan uu xulkiisa kala qaatay gool la’aan ma bixin!
  • Mala socotaa aqristow in David Villa uu cayaaraha aduunka ka dhaliyay 8-gool asigoo ka qayb qaatay labo jeer oo kala ah 2006 iyo 2010.

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close