Home » Maxaa Cusub » Luka Modric Oo Kasoo Kabtay Dhaawacii Uu Qabay Haatana Diyaar U Ah Kulanka Cameroon

Luka Modric Oo Kasoo Kabtay Dhaawacii Uu Qabay Haatana Diyaar U Ah Kulanka Cameroon


Modric

Kubad sameeyaha xulka Croatia Luka Modric ayaa kasoo kabtay dhaawacii uu qabay wuxuuna xidigan tayada wanaagsan doonayaa inuu xulkiisa ka caawiyo sidii ay kaga badin lahaayeen dhigooda Cameroon, laacibkan waaya araga ah ayaa ka xun in kulankii ugu horeeyay xulkiisa ay guuldaro kala kulmeen Brazil wuxuuna doonayaa inuu dadaal adag u galo sidii uu kulanka Cameroon u safan lahaa inkastoo uu dhaawac dhanka jilibka ah ka qabo sidoo kalena dhaawac dhanka cagta ah ayaa soo gaaray cayaartii ay furitaanka koobka aduunka la cayaareen xulka Brazil.

28-jirkan dhawaan Real Madrid u qaaday koobka horyaalada Yurub ayaa sameeyay tababar fudud kadib markii raajadii la saaray ay muujisay inuusan wax jab ah ka qabin cagta midig sidaa darteed Luka Modric waxaa lagu soo bilaabi doonaa kulanka ay Croatia la cayaari doonaan xulka Cameroon khamiista nagu soo fool leh.

Modric ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xidiga ugu muhiimsan xulka Croatia sidaa darteed soo kabashadiisa waxay niyad dhis weyn u noqon doonaa xulka Croatia oo aan rabin inay waqti hore ka haraan koobka aduunka, geeska kale macalinka xulka Croatia Niko Kovic ayaa saxaafada u sheegay in xulkiisa aysan weli kasoo kabanin niyad jabkii ay ka qaadeen kulankii Brazil madaama qaladaad muuqday uu ka galay grsoorihii kulankii furitaanka dhex dhexaadiyay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Luka Modric Oo Kasoo Kabtay Dhaawacii Uu Qabay Haatana Diyaar U Ah Kulanka Cameroon

  1. wholesale hats from china Reply

    August 17, 2014 at 8:30 AM

    Buy cheap nfl jerseys china free shipping

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close