Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez: “Xidigaha Talyaaniga Ka Ciyaara Ayaa Nagu Caawin Doonaa Inaan Ciqaabno Azzurri”

Luis Suarez: “Xidigaha Talyaaniga Ka Ciyaara Ayaa Nagu Caawin Doonaa Inaan Ciqaabno Azzurri”


Suarez

Weeraryayahanka Xulka Qaranka Uruguay Luis Suarez ayaa aaminsan in xulkiisa ay heystaan fursad ay kulanka habeen dambe kusoo gudbaan marka ay wajahaan xulka Azzurri kulanka finalka ee Group D.

Azzurri ayaa xulka Koonfurta Ameerika ka dhisan kula ciyaari doona kulan kala bax ah Natal iyagoo ogsoon in guuldaro ay ka helaan kulankaan ay ku qasbi doonto iney Roma ka dagaan isla markaana daawade ka noqdan koobka Aduunka.

Weeraryahanka Liverpool kaas oo laba gool oo guul siisay Uruguay u keenay kulankii England ayaa aaminsan iney biyo kulul tusi doonan Italy isal markaana ay ciqaabi doonaan.

“Italy wey daalan yihiin waxaana sababay kuleylka South America ee ay ku ciyaarayaan” Ayuu Surez u sheegay la Gazetta Dello Sport.

“Waxana rajeynayaa iney badi nasoo raacdo natiijada”

“Waxaan heysanaa fursada ugu weyn oo aan kaga taqalusi karno Italy, waan ognahay marka ay kubada heystaan iney yihiin mid ka mid ah quwadaha kubada cagta ugu weyn”

“Waxey ka xoogan yihiin khadka dhexe, balse waxaan filayaa in daafacooda gaabsan yihiin”

“Waxana heysanaa ciyaartoy ka ciyaarta talyaaniga, kuwaas oo nagu yiri: “Waan ciqaabi karnaa Italy”

Suarez ayaa tilmaamay in Gargano & Caceres ay yihiin labada xigid ee ugu weyn xirfadleyda koobka Aduunka u mataleysa Uruguay ee ka ciyaarta Talyaaniga kuwaas oo si wanaagsan u qaab garanaya xidigaha xulka.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close