Kabtankii Hore Xulka Portugal iyo kooxaha reer Spain Barcelona & Real Madrid ayaan aaminsaneen in xulka Spain ay difaacan karto koobka Aduunka sababtana waa sida uu isaga u arko tayada ay xiligaan leeyihiin xidigaha reer Spain inkastoo labada koox oo reer Spain ay isugu soo hareen Finalka Champions League ee lagu qaban doono Lisbon.
“Uma maleynayo in Spain ay ku guuleysaneyso koobka aduunka, kuma fakarayo in Spain ay leedahay tayada ay taas ku sameyn karto” Ayuu Figo u sheegay website-ka Laureus.com.
Sidoo kale Lui Figo ayaa ka hadlay fursadda ay martigaliyayaasha koobka Brazil u heystaan iney ku guuleystaan tartankaan isagoo qiray iney heystaan taageerayaal badan, macalin qibrad leh iyo ciyartoy tayo wanaagsan.
“Waxaan filayaa in Brazil ay caawin doonto gurigooda, waan garanayaa (Luis Flippe Scolari) waxaan aaminsanahay inuu yahay tababare weyn marka la yimaado koobabka waaweyn, sidoo kale Jamaahiirta faraha badan ee ku sugan Brazil ayaa caawini doonta, xulalka kale wey ku adkaan doontaa iney dhiirigalin helaan”
Dhanka kale Lui Figo ayaa ka hadlay fursada ay heystaan xulka Portugal?.
“Aad ayey u adag tahay sababtoo ah waa wado dheer in la dhameystiro ku guuleysiga koobka, 11-malyan ayaan kasoo dhex dooranay 18 ama 20-qofood oo na matala, Rajada koobka Aduunka ee Portugal waxey ku xiran tahay Ronaldo, waxaan filaa inuu u hamuun qabo mar kale Ballon d’Or”
Ugu dambeyntii Figo ayaa wax laga weydiiyay Finalka Champions League?
“Waxaan rajeynayaa in Real Madrid ay qaado, koobkii ugu dambeeyay aniga ayaa la qaaday 2002, waana wax qaas ah oo qurux badan hadii ay dhacdo midaas, lkn ogow in kubadu tahay labada dhinac Atletico maahan koox sahlan”