Luis Enrique ayaa noqday kabtankii Sideed ee tababare u noqda kooxda waaweyn ee Barcelona isagoo ku biiri doona liiska todoba macalin oo horey kabtan uga soo noqday kooxda Barcelona.
Josep Guardiola ayaa ahaa macalinkii ka horeeyay Enrique kaas oo kabtan usoo noqday kooxda Barca wuxuuna kooxda ku sugnaa mudadii u dhaxeysay 2008-2012.
Sidoo kale Waxaa jira tiro kale oo ciyaartoy horay ugu soo ciyaaray Barcelona kuwaas oo tababare u soo noqday kooxda balse aan kasoo noqon kooxda Kabtano.
Jack Greenwell (Laba Jeer ayuu soo laabtay macalinkaan), Romà Forns, Ferenc Plattko (on two separate occasions), Josep Planas, Ramón Guzmán, Enrique Fernández, Ramon Llorens, Domènec Balmanyà, Lluís Miró, Josep Gonzalvo, Salvador Artigas, Lucien Müller, Carles Rexach, Toño de la Cruz and Tito Vilanova.
Dhanka kale Sideeda Kabtan ee tababaraha usoo noqday Barcelona ayaa kala ah:
José Nogués (Xidig: 1927-34. Macalin: 1941-42)
Josep Samitier (Xidig: 1919-32. Macalin: 1944-47);
Ladislau Kubala (Xidig: 1950-61. Macalin: 1961-63 & 1980);
César Rodríguez (Xidig 1942-55. Macalin: 1963-64);
Joaquim Rifé (Xidig: 1964-76. Macalin: 1979-80);
Johan Cruyff (Xidig: 1973-78. Macalin: 1988-96);
Josep Guardiola (Xidig: 1990-01. Macalin: 2008-12);
Luis Enrique (Xidig 1996-03. Macalin 2014-?).
* Ladislau Kubala: Ayaa ah macalinka kaliya ee kabtan usoo noqday kooxda ee laba jeer oo kala duwan macalin u noqday Barcelona.