Home » Horyaalada » La liga » Louis van Gaal Oo Lagu Soo Daray Sadex Macalin Oo Tata Martino Ka Badali Doona Shaqada Barcelona

Louis van Gaal Oo Lagu Soo Daray Sadex Macalin Oo Tata Martino Ka Badali Doona Shaqada Barcelona


Gaal

 

Mustaqbalka macalinka reer Argentina ee kooxda Barcelona Tata Martino ayaa mugdi baahsan ku dhex jira iyadoo la aaminsan yahay inuu isaga tagi doono dhamaadka xagaagan balse kooxda Barcelona ayaan ilaa haatan calaameysan tababarihii badali lahaa inkastoo saxaafadda Spain ay sheekadaan wax ka qortay.

Louis van Gaal macalinka haatan ee xulka Holland isla markaana soo leyliyay kooxda Barca ayaa lagu soo daray musharaxiinta shaqada Barcelona ka badali kara Tata Martino.

Macalinkaan reer Holland ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagi doono shaqada xulka Holland kadib koobka Aduunka isagoo la hadal hayay inuu qaban doono kooxaha Man United iyo Tottenham midkood hadana wararka la xiriirinaya inuu u garaabi doono kooxdiisii hore Barca ayaa meesha soo galay.

Sidoo kale macalinka laga ceyriyay shaqada Swansea City Michael Laudrup ayaa isna ka mid ah musharaxiinta walow ay caqbaad ku noqon doono madama uu halyeey Real Madrid usoo halgamay yahay isla markaana labada kooxood uu ka dhaxeeyo xifaaltan soo jireen ah.

Coaches

Xidigii hore xulka Holland iyo Kooxda Barcelona Frank De Boer ayaa isn aku jira liiska sadexa macalin ee la hadal hayo iney shaqada ka badalaan Tata Martino

De Boer ayaa ku faraxsan hadii uu maamulo Barca inkastoo uusan meesha ka saarin inuu ku faraxsan yahay shaqada uu haatan hayo ee Ajex.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close