Tababaraha Xulka Holland Louis Van Gaal ayaa shaaca ka qaaday inuu hakad galin doono bixitaanka garabka midig ee xulka Portugal Luis Nani kaas oo lagu wado inuu ku biiro Juventus marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Si Kastaba Louis Van Gaal ayaa filanaya in maalmaha soo aadan loo magacaabo tababaraha cusub ee Manchester United wuxuuna doonayaa inuu naadiga uu xili ciyaareedka dambe ku dagaal tagi doono inuu qeyb kaga dhigo Nani.
Garabkaan reer Portugal ayaa niyad jab baahsan la kulmay sanadihii ugu dambeeyay isagoo daris la noqday dhawaacyo hareeyay noloshiisa iyo isagoo sidoo kale daris la noqday kursiga keydka, balse waxaa suuragal noqon karta in imaanshaha Van Gaal uu mustaqbal wanagsan u iftiimiyo.
Sida ay shaaciysay Daily Mirror Luis Van Gaal ayaa diidan in Luis Nani uu ka tago Manchester United.
Ryan Giggs ayaa ilaa iyo haatan si kumeel gaar ah u haya Manchester United.