Home » Maxaa Cusub » Lix Xidig Oo Wali Dhaawacyo Qaba Balse Rajeynaya Iney Kasoo Muuqdaan Koobka Aduunka

Lix Xidig Oo Wali Dhaawacyo Qaba Balse Rajeynaya Iney Kasoo Muuqdaan Koobka Aduunka


Colombia

Inta badan xulalka aduunka ugu caansan waxay doorteen laacibiinta ay aaminsan yihiin inay wax u qaban karaan sidoo kalena ka saacidi karaan inay koobka aduunka meel wanaagsan ka gaaraan, hadaba waxaa jiraan xidigo tayo wanaagsan oo liiska xulalkooda lagu daray balse weli dhaawac garoomada kaga maqan ama haatan garoomada dib ugu soo laabteen kuwaas oo xaalkooda laga deyrinaayo sidoo kalena aan la hubin inay koobka aduunka kasoo muuqan karaan, hadaba waxaan idiin soo xulnay 6-cayaaryahan oo miisaan culus ku leh xulalkooda balse haatan dhaawacyo kala duwan qaabaan sida uu xaalkooda yahay:

Radamel Falcao – Colombia: waxaa lagu daray 30-cayaaryahan ee Colombia matali doonaan, bartamaha bisha June ayuu kasoo kaban doonaa dhaawaca uu qabo hadii uu awoodi waayo inuu koobka aduunka cayaaro waxaa booskiisa buuxin doonaan Carlos Bacca ama Adrian Ramos.

Thiago Alcantra- Spain: 23-jirkan dhaawac dhanka jilibka ah ayaa soo gaaray 29-kii bishii Maarso ilaa haatana weli garoomada dib ugama soo laabanin inkastoo uu tababar la bilaabay kooxdiisa Bayern base macalin Del Bosque 14-xidig oo khadka dhexe ka cayaarto ayuu xushay sidaa darteed hadii Thiago xaalkiisa la bixin waayo waa hubaal inuusan Brazil u safri doonin!

Sami Khedira – Germany: marnaba Jarmalka kama maarmaan hadana dhibaatada heesato xidigan ma ahan mid la qarin karo waayo 7-bilood kadib todobaadkan ayuu garoomada kusoo laabtay hadii Khedira kulamo ku filan uu cayaari waayo waxaa macquul ah inaan mustaqbalkiisa halis la galin ugu yaraan waxaa macquul ah inuu Jarmalka Barzil ula safro uuna xulkiisa u safto hadii ay qaybaha dambe soo gaaraan.

Arturo Vidal – Chile: nasiib daro todobaadkii hore ayaa jilibka laga qalay wuxuuna 26-jirkan garoomada kusoo laaban doonaa hal maalin markay ka harsan tahay bilaabashada koobka aduunka waxaana lagu daray 30-cayaaryahan ee Chile loo xulay koobka aduunka hadii Vidal uu soo kaban waayo la yaab ma ahan in xagaagan uusan kasoo muuqanin koobka aduunka inkastoo la hubo inuu liiska ugu dambeeyo gali doono xitaa hadii uu dhaawaciisa sii dheeraado!

Giuseppe Rossi – Italy: ma jiro cayaaryahan ka nasiib xun bilawgii xili cayaareedkan dib ayuu usoo noolaaday wuxuuna Fiorentina u dhaliyay 14-gool Serie A-da sidoo kalena balan qaad adag ayuu heestay inuu Italy koobka aduunka u safan doono balse bilawgii sanadkan dhaawac halis ah ayaa dhanka jilibka kasoo gaaray haatan rajadiisa god mugid ah ayay ku dhacday waxaana la rajeynaa booskiisa inay ku buxi doonaan  Mattia Destro iyo Ciro Immobile midkood.

Fernando Gago – Argentina: 28-jirkan mud0 60-maalmood ah ayuu garoomada ka maqnaa wuxuuna tababar bilaabau 9-kii bishan inkastoo lagu daray 30-cayaaryahan ee Argentina koobka aduunka u matali doonaan hadana ruug cadaagan Boca Juniors ka tirsan wuxuu qirrtay in weli jilibka uu xanuun ka dareemayo sidaa darteed Gago iyo inuu koobka aduunka aado waxaa ka xigo shaqo culus iyo caafimaad taam ah in laga dareemo mana heesto waqti ku filan xidigan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Lix Xidig Oo Wali Dhaawacyo Qaba Balse Rajeynaya Iney Kasoo Muuqdaan Koobka Aduunka

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 15, 2014 at 10:01 AM

    Inkaan ugu dambeeyo marka laga reebo inta kale waa laacibiin loo filaayo in aay wacdaro ka dhigaan warld cup-ka siiba fallco iyo Vidal iyo alcantara

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close