Kooxda Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu guuleesan rabto saxiixa mid ka mid ah xidigaha haatan qaarada Yurub loogu doonista badan yahay William Carvalho inkastoo xidigan khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Sporting Lisbon mudo dheer uu u arkanaa kooxda Man United hadana wararka laga helaayo dalka Portugal ayaa sheegay in Liverpool ay haatan wada xaajood rasmi ah ka furtay kooxda Lisbon waxayna kubad bur buriyahan awooda badan Reds kusoo iibsan rabtaa £30m, 22-jirkan ayaa sidoo kale dalabka Liverpool soo dhaweeyay waxaana la filaa inuu xidigan si rasmi ah Reds uga mid noqdo ka hor inta uusan koobka aduunka xulkiisa Portugal kala qayb qaadanin.
Sida laga soo xigtay Daily Star, kooxda Man United ayaa ka gaabisay dhawaanahan qorshihii Carvalho lagu keeni lahaa garoonka Old Trafford waxaana xidigan dabagal ku haayay bilihii aan kasoo gudubnay tababare David Moyes balse United ayaa xilka ka qaaday Moyes sidaa darteed Liverpool ayaa arinkan ka faa’iideesatay waxayna haatan Reds dooneysaa inay Carvalho heshiis la gaarto ka hor inta aysan Man United macalin cusub magacaabin, macalinka kooxda Liverpool Brenden Rodgers ayaa taageero weyn u ah xidigan wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe khadka dhexe ku aamino sidoo kalena uu iska garab cayaarsiiyo Gerard, Carvalho iyo Henderson taasi oo ka dhigan in Lucas Leiva uu tababare Rodgers ka tashtay madaama xidiga reer Brazil dhaawacii batay sanadihii ugu dambeeyay.