Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Qarka U Saaran Iney La Saxiixato Xidiga Bayer Leverusen Emre Can

Liverpool Oo Qarka U Saaran Iney La Saxiixato Xidiga Bayer Leverusen Emre Can


emre-can-watch-the-reported-live

Sida laga soo xigtay ilo muhiim ah oo ku dhaw kooxda Liverpool naadiga Anfield ka dhisan ayaa talaabo hormar leh u qaaday saxiixa da’yarka xulka jarmalka iyo kooxda Bayer Leverkusen  Emre Can kaas oo bartilmaameedka koowaad u ah macalin Branden Rodges.

Xidigii hore da’yarta Bayern Munich ayaa ku jira xidigaha 21-jirada ee xulka jarmalka waxaana heshiiskiisa lagu jabin karaa 10 Malyan waxana Reds ay Bayer Leverkusen kala heshiisay iney  kala xajooto arimaha xidigaan.

Sida ay ku warameyso BBC  Emre Can ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu heshiis shaqsi ah la gaaro kooxda gobolka Mereyside-ka ka dhisan waxaase la filayaa in isbuuca soo aadan horaantiisa lasoo afjaro heshiiska xidigaan.

Liverpool ayaa ku jirta hub aruursi madama ay sanado kadib Champions League ciyaareyso waxaana Rodgers uu diyaarinayaa wiilal cusub oo dagaal laba dhinac ah gali kara.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close