Kooxda Liverpool ayaa xidigooda Raheem Sterling u ogolaan doonta inuu qaab amaah ku baxo marka la gaaro Bisha January ee soo aadan markaas oo ay furmi doonaan daaqadaha suuqa kala iibsiga.
Sida ay qortay Jariiradda CaughtOffside Raheem Ayaa Loo ogolaan doonaa inuu ku baxo qaab amaah ah isla markaana uu ku biiro naadiga uu doonayo marka la gaaro January xili xidigaan herka caalami ee asal ahaan kasoo jeeda Jamaica uu boos joogta ah ka heysan Anfield Road.
18-jirkaan heerka caalami ee haatan qaatay dhalashada Xulka England ayaa ah xidiga ugu wanaagsan ee da’yar ah ee ku sugan Reds kaas oo ay kasoo qaateen xerada lagu xanaaneyo ciyaartoyda ee kooxda QPR sanadkii 2010-ka.
Liverpool macalinkeeda Brandan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday in Raheem uu yahay wiil wanaagsan isla markaana uu janis siin doono, balse ay u wanaagsan tahay inuu u ciyaaro koox kale oo Premier League ah qaab amaaha ahna ugu biiro inta ka harsan Horyaalka si mustaqbalkiisa uu usoo iftiimiyo.
Liverpool ayaan dooneyn iney gasho tijaabooyin ciyaartoyda ah madama ay joogan xidigo muhiim ah oo waaweyn waxeyna markaan quuldareynayaan iney kasoo muuqdaan Champions League xili ciyaareedka soo aadan.
Sidoo Kale Arinta Amaahda ee Sterling ayaa ka dambeysa sida ay sheegayaan Ilo muhiim ah oo ku dhaw Anfield in kooxda ay dooneyso in January ay kooxda kenaan xidigo badan oo ka ciyaara garbaha sida Arda Turan [Athletico Madrid] iyo Jeremy Menez [Paris Saint Germain] taas oo keeni doonta inuusan helin jaanis uu ku dheelo.
Southampton, Stoke, Swansea iyo Westbromwich Albion ayaa saf ugu jira iney xidigaan qaataan January wuxuuna sidoo kale indhaha ku hayaa wiilkaan yarka inuu ka mid noqdo kooxda Macalin Roy Hogdson ee Koobka Aduunka 2014-ka.