Liverpool ayaa qorsheyneysa iney dhaqaaq u sameyso daafaca kooxda Bayern Munich iyo Xulka Brazil DANTE iyadoo xifaaltan culus kala kulmi doonta kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo ka wada dhisan dalka Ingiriiska.
Warbixino ayaa cadeynaya in kooxda Manchester United ay xiiso aad ah u qabtay xidigaan xiligii uu kooxda tababaraha u ahaa David Moyes balse haatan Louis Van Gaal ayaan fursad u heyn Dante inuu kula biiro Man United, halka Blues ay dalabyo u dirtay Mangala iyo Varane iyadoo badal kaga dhigeysa Luiz oo ku biiray PSG.
Dhaqaaqa ay sameeyeen kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa u sahli kara in Liverpool ay kali ku noqoto tartanka saxiixa Xidiga reer Brazil Dante taasoo u fududeyn karta iney si fudud kula saxiixato.
Dhanka kale Dante oo 30-jir ah ayaa heshiiska u kordhiyay Bayern Munich bishii March isagoo lasii joogi doono kooxda Allianz Arena ku ciyaarta ilaa 2017.
Daafacaan reer Brazil ayaa dhawaan sheegay inuu ku faraxsan yahay sii joogitaanka Bayern isla markaana uusan tixgelin doonin wararka la xiriirnaya ka tagista Bundesliga.
Ugu dambeyntii Dante ayaa ku jira qorshaha Rodgers uu ku hormarinayo kooxda Liverpool xili ciyaareedka soo aadan.
XUDEYFa SYL
May 27, 2014 at 12:38 PM
Aderow kaas fursad ugama banaana gronka anfeild xaqiqda hdi nadiga lga dkeyo qadka dhxe gar ahaan bur buryaal iyo dafac garab ah. Nadiga sandka dambe cup wu qaadi dona sido klex xdga amaahda noga maqan ee ilori wisdom mrtn kelly fursad fcn hala siiyo vivaa famly of YNWA