Tababaraha Liverpool Brandan Rodgers ayaa beeniyay in kooxdiisa ay ogolaaneyso saxiixa qaabka amaahda ah ee ay Napoli ku dooneyso daafaca reer Denmark Daniel Agger kaas oo kursiga keydka naadiga kaga jira.
Xidigaan dhibsaday kursiga keydka ayaa lala xirirnayay maalmihii lasoo dhaafay kooxa Napoli waxaana dalab uu ka helay macalinkiisii hore Liverpool Rafael Benitez oo ku sugan Napoli.
Si kastaba Liverpool macalinkeeda ayaa iska diiday dalab walba oo Napoli ay kula waregeyso wiilkaan reer Denmark.
40-jirkaan maamula Liverpool ayaa la hadlay Metro “Maahan kaliya in laga hadlo 11-ka xidig ee safka hore, xitaa hadii xidiga uu kursiga keydka ku jiro waa u muhiim naadiga mana jiri doonto in Agger uu ka tagayo kooxda Liverpool, ama xitaa ana amaah ku bixino”
“Waxaa dhici kara dhaawacyo mana doonayo inaan dhibaateeyo naadiga ama aan u horseedo xili mugdi ah waxaana ku jirnaa waqti aad u fiican oo aan hiigsan karno qeybaha sare ee horyaalka” ayuu yiri mar kale.
Liverpool ayaa haatan fadhisa kaalinta labaad iyadoo kulanka ay galabta la ciyaareyso Cardiff u sahli karta iney hogaanka qabtaan ila habeenka Isniinta markaas oo ay Arsenal la ciyaareyso Chelsea.
Waxaa Aqrisay: (50)
Mogadishu - Somalia