Kooxda Liverpool oo qarka u saaran in loo caleemo saaro guulestayaasha horyaalka England ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto weeraryahanka naadiga AS Roma Gervinho oo haatan waqti wanaagsan ku qadaanayo Serie A-da, xidigan u dhashay dalka Ivory Coast horeyna ugu cayaari jiray kooxda Arsenal ayaa si gaar ah usoo jiitay macalinka Liverpool Brenden Rodgers oo la dhacsan Gervinho sida uu awood ugu leeyahay inuu kubada ku weerar galo asigoo xawaaro dheereeyo ku socdo waana nidaamka uu macalin Rodgers jecel yahay wuxuuna tababare Rodgers doonayaa inuu xooga saaro saxiixa Gervinho madaama xidigan tayada wanaagsan uu kaga tagi karo Roma qiimo jaban oo lagu sheegay £4million!
Macalinka kooxda Roma Rudi Gacia ayaa la hadal hayaa inuu xagaagan caasimada dalka Talyaaniga isaga tagi doono sidaa darteed Gervinho ayaa ku goodiyay inuu isagana sii joogi doonin Roma hadiiba macalinkii ku qal qaaliyay Serie A-da bixi doono sidaa darteed Liverpool ayaa si fudud ku heli doonto mid ka mid ah xidigaha haatan qaarada Yurub ugu wanaagsan, 26-jirkan waqti aan wanaagsaneyn ayuu kooxda Arsenal kula qaatay Premiership-ka balse markana wuxuu ku rajo weyn yahay inuu horyaalka England wacdaro ka dhigi karo hadii ay Liverpool xagaagan si toos ah ula saxiixato, waxayna Liverpool fasixi doontaa xidigaha kala ah Iga Aspas iyo Victor Moses taasi ayaa ka dhigan in macalin Rodgers hadafkiisa uu yahay sidii uu Gervinho kooxdiisa ugu soo kordhin lahaa xili cayaareedka dambe.