Liverpool ayaa hubineysa iney kali ku tahay saxiixa hogaamiyaha kooxda Benfica Lazar Markovic kaas oo xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ku raaxeystay horyaalka Bortaqiiska sida ay shaaciyeen warbixino ka imaanaya gudaha ingiriisak.
Daily Mail ayaa qeexday 20-jirkaan reer Serbia ee hogaanka u ah kooxda Benfica ay doonayaan saxiixiisa inkastoo maalmihii ugu dambeeyay ay ku mashquuleen doon-doonista Xherdan Shaqiri.
Sidoo kale tababare Branden Rodgers ayaa wada qorshe balaaran oo uu doonayo inuu Anfield ku wada keeno Adam Lallana, Xherdan Shaqiri iyo Lazar Markovic.
Xidigii hore kooxda Partizan Belgrade ayaa xiligiisii ugu horeeyay horyaalka Bortoqiiska isagoo saftay 50-kulan dhamaan tartamada oo dhan sidoo kale Lazar ayaa looga yeeray xulka Serbia isagoo saftay 13-kulan isagoo dhaliyay 2-gool mid ka mid ah goolashaasna wuxuu ka dhaliyay xulka Wales.
Ma ahan markii ugu horeysay ee xidigana lala xiriirinayo Liverpool waxeyna ku dooneysaa iney Anfield Ku Keento 25 Malyan Oo Pound.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in tababare Branden Rodgers uu ka cabsi qabo in Jose Mourinho uu ka afduubto saxiixa xidigaan madama Chelsea iyo Benfica ay leeyihiin xiriir soo jireen ah sidoo kalana loo adeegsan karo saaxiibkiisa xulka Serbie Bransilav Ivanovic.