Liverpool ayaan u asxaan falin wiilasha reer England ee Andy Carroll iyo Steward Downing kuwaas oo haatan ku sugan kooxda West Ham iyagoo kasoo hayaamay Liverpool, waxaana haatan ay Liverpool gacan uga baahan tahay labadaas wiil si ay ugu dabaal dagto horyaalkeedii ugu horeeyay tan iyo 1990-kii.
Liverpool ayaa haatan laba dhibcood ka hooseysa hogaamiyayaasha Manchester City iyadoo hal kulan uu ka harsan yahay dhamaadka horyaalka waxaana Liverpool ku filan iney guul ka gaarto Newcastle sidoo kalana guuldaro ay la kulanto Manchester City.
Si Kastaba Liverpool ayaa rajeyneysa in Downing iyo Carroll ay gacan siiyaan kooxdoodii hore iyagoo awoodooda isugu geynaya iney ka adkaadaan Manchester City si ay Branden Rodgers iyo wiilashiisu u dabaal dagaan waa hadiiba ay iyaguna guul ka gaaraan Newcastle United.
Isma
May 9, 2014 at 3:16 PM
Waan socon weenaye aan orodno wa hal heyska liverpool habar fadhidaa lagdan la fududaa viv manchester