Sida ay shaaca ka qaaday talkSPORT kooxaha Liverpool iyo Atletico Madrid ayaa loolan xoog leh wuxuu ku dhexmari doonaa saxiixa kubad sameeyaha kooxda Valencia Dani Parejo kaas oo haatan ka mid ah mashiinada dhaqaajiya kooxda ku ciyaarta Mastella Stadium.
Xidigii hore da’yarta Real Madrid, kaas oo qaab amaah ahaan ugu soo ciyaray QPR aya haatan ka mid ah kubad sameyayaasha ugu wanaagsan horyaalka La Liga isagoo kooxdiisa Valencia u hogaamiyay iney gaarto Semi Finalka Europa League xili ciyaareedkaan.
Si Kastaba Liverpool oo isku hubeyneysa Champions League xili ciyaareedka soo aadan ayaa dalab xoog leh u dirtay iyadoo horay uu dalab ugu maqnaa Atletico Madrid oo ka dhisan dalka Spain.
25-jirkaan heerka caalami ayaa heshiikiisa lagu jabin karaa 20.5 Malyan waxaana Reds ka go’an iney wiilkaan keento horyaalka Ingiriiska.
Dhanka kale Macalin Diego Simeone ayaa doonaya inuu sii xoojiyo wiilashiisa kuwaas oo haatan jooga Finalka Champions League sidoo kalana ugu cad-cad ku guuleysiga horyaalka Spain ee La Liga xili ciyaaredkaan madama ay 3-dhibcood ka horeeyaan Barcelona oo labaad joogta