Kabtanka Xulka Argentina Lionel Messi ayaa caafimad deg-deg ah u rajeeyay saaxiibkiisa Barcelona Neymar JR kaas oo ka jabay laf dhabarta kulankii xalay ay xulkiisa 2-1 kaga awood bateen Colombia quater Finalka Koobka Aduunka.
“Neymar, waxaan kuu rajeynayaa inaad deg-deg usoo bogsooto” Ayuu xidigaan reer Argentina ku qoray bogiisa Facebook-ga waxaana bogga Messi lasoo dhigay maaliyadaha Neymar iyo Messi oo is garab haya.
Lionel Messi ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in caawa ay soo gaaraan Semi Finalka Koobka Aduunka iyagoo wajahaya Belgiumka.
Profile