Lionel Messi ayaa aaminsan in kooxdiisa ay heesato fursad wanaagsan oo ay horyaalka Spain ku qaadi karaan madaama todobaadkii hore kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid sibxadeen waxayna haatn Barcelona u baahan tahay inay guuleesato labada kulan ee xili cayaareedkan ug harsan si La Ligaha Spain u hanato hadaba Messi oo markan hami xoogan yeeshay ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna xidigaha kooxdiisa ku booriyay inay dadaal dheeraad ah sameeyaan “madaama weli uu horyaalka sedex naadi ka dhaxeeyo hadana fursada ugu wanaagsna anag ayaa heesano sidaa darteed waa inaan guuleesanaa labada kulan ee inoo harsan si aan La Ligaha u difaacano waana hubaa inaan midaas sameyn karno hadii aan dadaa dheeraad ah la imaano”
Barcelona haatan waxay sedex dhibcood ka hooseysaa naadiga Atletico Madrid oo horyaalka horkaceyso balse labadan naadi kulanka ugu dambeeyo La Ligaha ay todobaadka dambe cayaari doonaan sidaa darteed hadii ay Barcelona guuleesato kulankaas iyada ayaa horyaalka ku guuleesan doonto, ka hor kulankaas Barcelona waxay caawo la cayaari doontaa naadiga Elche halka Atletico Madrid ay dhankeeda wajihi doonto Malaga sidaa darteed Messi ayaa soo jeediyay in marka hore kulanka caawo laga farxasho wuxuuna yiri “waan ogahay in qof walbo uu niyada ku haayo kulank aan todobaadka dambe Camp Nou kula cayaari doono Atletico balse waxaa igala muhiimsan kulanka caawo ee Elche waayo markii aan caawo guuleesano ayaan kulanka ka xiga ka fikiri karnaa sidaa darteed waa inaan kulanka caawo xooga sarnaa sidoo kalena qaab cayaareed wanaasan soo bandhigno”