Hogaamiyaha Manchester United Wayne Rooney ayaa dib ugu soo laabanaya kooxdiisa isagoo wajahaya kooxdiisii hore Everton, sidoo kale Fellaini ayaa kursiga keydka lagu soo bilaabay, balse Luis Nani ayaa markii ugu horeysay kusoo bilaabanaya horyaalka xili ciyaareedkaan.
Shinji Kagawa iyo Juan Mata ayaana caawin doona Rooney oo weerarka u matali dona maanta kooxda Man United.
Dhanka kale Tababare Robert Martinez ayaan wax ka badalin safkiisa hore isagoo keydka soo fariisiyay Deulofeu iyo Osman halka Barkley, Naismith iyo Lukaku ay weerarka iska kaashan doonaan.
Line Upka Rasmiga ah:
Everton: Howard (c), Baines, Distin, Stones, Coleman, McCarthy, Barry, Mirallas, Barkley, Naismith, Lukaku
Keydka: Robles, Hibbert, McGeady, Deulofeu, Osman, Garbutt, Alcaraz
Manchester United: De Gea, Jones, Smalling, Evans, Büttner, Carrick, Fletcher, Nani, Kagawa, Mata, Rooney.
Keydka: Lindegaard, Giggs, Hernandez, Welbeck, Valencia, Fellaini, Januzaj.