Kooxda Liverpool ayaa gurigeeda Anfield kusoo dhaweyn doonta goor dhaw kooxda Cardiff City iyadoo ka warqabta iney hogaanka horyaalka qaban doonaan hadii ay guul ka gaaraan kooxda Cardiff.
Kabtan Luis Suarez ayaa kulankiisii labaad hogaamin doona Kooxda Liverpool.
Brandan Rodgers ayaan waxba ka badalin wiilashii 5-0 ku garaacay isbuucii hore Kooxda Spurs, waxaana markiisii labaad oo xiriir ah kusoo bilawday Sterling oo weerarka kala qeyb qaadan doona Suarez & Coutinho halka Alen uu badali doono Gerrard.
Dhanka Kale macalinka in la ceyriyo qarka u saaray ee Malky Mackay ayaa galabta uu muhiim u yahay kulankaan madama lagu xiray noloshiisa kooxda Cardiff isagoo sii og inuu albaabka ka bixi doono hadii uu Anfield guuldaro kala tago galabta
Liverpool:
Mignolet, Johnson, Flanagan, Skrtel, Sakho, Lucas, Allen, Henderson, Coutinho, Sterling, Suarez.
Badalka:
Jones, Toure, Agger, Alberto, Aspas, Moses, Kelly.
Cardiff City:
Marshall, Theophile-Catherine, Caulker, Turner, Taylor, Noone, Medel, Mutch, Whittingham, Gunnarsson, Odemwingie
Badalka:
Lewis, Hudson, Cornelius, Campbell, Kim, Cowie, John.
Waxaa Aqrisay: (102)
Mogadishu - Somalia