Sheekadaan waa sheeko layaab iyo fajac ku noqotay shaqsiyaadka kubada cagta balse waa sheeko been abuur ah madama kooxda West Ham ay bogeeda twitter-ka ku shaacisay iney heshiis la gaareen kubad sameeyaha Barcelona Cesc Fabregas.
Warkaan lagu baahiyay bogga twitter-ka ayaa noqday midka ugu hadal heynta badan dunida kubada cagta madama West Ham.
Sida lagu qoray givemesport, West Ham ayaa Photoshop ku sameysay sawirka xidigaan reer Spain kaas oo ka mid ah xidigaha xulka Spain ee ka qeyb galaya koobka Aduunka.
Qoraaga qormadaan qoray ayaa yiri: “Photoshop Oo la saxiixatay Cesc Fabregas” isagoo ula jeeday in West Ham ay qaab been abuur ah ugu sameeyeen sawirka Fabregas.
Kabtankii hore Arsenal Cesc Fabregas waxaa aad u doonaya kooxaha Manchester United, Manchester City, Arsenal & Chelsea oo dhamaantood ka wada dhisan horyaalka Ingiriiska.
27-jirkaan reer Spain waxaa loo badinayaa inuu Premier League imaan doono xagaaga soo aadan inkastoo kooxda Blues ay haatan u dhawdahay heshiikiisa madama ay diyaar la tahay lacagaha ay Barcelona ku dooneyso iney ku iibiso.