Home » Maxaa Cusub » “Lacag Darteed Uma Aadin Mareykanka” Kaka Oo Difaacay Ku Biiristiisa Horyaalka MSLS-ka

“Lacag Darteed Uma Aadin Mareykanka” Kaka Oo Difaacay Ku Biiristiisa Horyaalka MSLS-ka


Kaka

Ricardo Kaka ayaa ka guuray qaaradii uu kusoo shaac baxay ee Yurub isagoo u guuray Mareykanka wuxuuna ku biiray kooxda Orlando City, balse xidigaan ayaa difaacay ku biiritaankiisa horyaalka mareykanka.

Kaka ayaa shaaca ka qaaday in aysan lacag sabab u aheyn inuu aado dalka mareykanka.

Ac Milan ayaa goor hore oo isbuucaan ah shaacisay iney fasaxday Kaka balse talaadadii ayey kooxda Orlando City kusoo bandhigtay xidigaan gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Go’anka uu xidigaan kaga tagay yurub isla markaana ugu biiray Orlando City waxaan ku qancin qaar ka mid ah taageerayasha uu ku leeyahay internet-ka.

“Gabagabadii horyaalki dhamaaday waan fakaray anigoo ka fakaray dib ugu laabashada Brazil, sii joogitaanka Milan & Aaditaanka USA” ayuu Kaka yiri.

“Wey adkeyd inaan ka tago Milan, balse waxaan rajeynayaa inaan kaalinta koowaad ka noqdo horyaalka Mareykanka”

Ricardo Kaka ayaa u ciyaari doona kooxda Sao Paulo ee dalka Brazil ka hor inta uusan MLS-ka u guurin March 2015

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close