Xidigaha xulka England ayaa sameeyeen tababarkii ugu dambeeyay madaama ay maalinta Jimcada la cayaari doonan xulka Peru cayaar saaxiibtinimo oo ka dhici doonto garoonka Wembley balse macalin Rou Hodgson ayaa saxaafada u sheegay in labo xidig oo xulkan muhiim u ah inay Jimcada ka maqnaan doonaan waxayna xidigahaas kala yihiin Leighton Baines iyo James Milner madaama labadan laacib tababarkii ugu dambeeyay aysan ka qayb qaadanin, waxaana la sheegay in daafaca kooxda Everton Leighton Baines uu fasax ka helay macalinkiisa xulka England madaama arimo la xariiro qoyskiisa ay ku qasbeen inuu xarunta tababarka fasax ka qaato waxaana xidigan la siiyay 24-saac inuu arimahiisa kusoo xalisto, geeska kale xidiga kooxda Man City James Milner isaga duray aad u daran ayaa haayo wuxuuna awoodi waayay inuu xarunta tababarka soo xaadiro.
Daafaca kooxda Man United Phil Jones, oo isagan gara jug ka qabo sidoo kalena shaki la galinaayo inuu xulkiisa Jimcada u safan karo ayaa tababarkii ugu dambeeyay kasoo muuqday sidaa darteed xidigan tayada wanaagsan waa macquul inuu xulkiisa u safto, tababaraha xulka England ayaa saxaafada u sheegay inuu aad uga xunyahay maqnaan shaha Baines iyo Milner madaama uu rabay macalinkan dhamaan xidigahiisa inuu tijaabiyo Jimacada waayo Talaada dambe ayuu macalinkan si rasmi ah u xulan doonaa 23-kiisa xidig ee koobka aduunka uga qayb qaadan doonaan.