Home » Maxaa Cusub » Laba Saxiix Oo Ay Manchester City Ku Hilmaami Karto Yaya Toure

Laba Saxiix Oo Ay Manchester City Ku Hilmaami Karto Yaya Toure


Fernando

Warbixino kala duwan ayaa kasoo baxaya qilaafka soo kala dhexgalay Yaya Toure iyo Kooxda Manchester City balse kooda Sky Blues ayaa loo farmuuqay laba saxiix oo ay Jamaahiirta kooxda ku ilowsiin karaan Yaya Toure.

Wakiilka xidigaan ayaana sheekada hawada galiyay kadib markii uu wareysi ku bixiyay in Yaya Toure uu isaga tagi doono kooxda Manchester City hadii uusan raali galin ah in laga soo qeyb gali waayay xafladiisii 31-aad ee dhalashadiisa.

roberto-firmino

Si Kastaba kubad burburiyaha kooxda F.C. Porto Fernando ayaa ka mid ah labada xidig ee ay Man City ku iloobeyso Yaya Toure sidoo kalana waxaa soo labeeya weeraryahanka kooxda Hoffenheim Roberto Firmino kaas oo kusoo baxay gooldhaliye aan shabaqa laga celin karin.

Waa sida lagu qanci karo inkastoo Toure uu sameeyay 24-gool,  iyo 12-caawinaad isagoo 30-jir ah.

Roberto Firmino waa 22-jir wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay 22-gool, xili ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan, Halka Fernando uu isagu yahay xidig looga haray inuu kubada ku dagaalamo.

Dhanka kale Heshiiska Yaya waxaa kaga haray 12-bilood oo qura isagoo awood u leh inuu kooxda ka tago hadii uu doono madama uu yahay 31-jir.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close