Home » Europe » Champions League » La Yaab: Fernando Torres oo Ka Qaalisan 11-kii Xidig Ee Kooxda Atletico U Suura Galiyeen Inay Chelsea Stamford Bridge Cashar Ugu Dhigaan!!!

La Yaab: Fernando Torres oo Ka Qaalisan 11-kii Xidig Ee Kooxda Atletico U Suura Galiyeen Inay Chelsea Stamford Bridge Cashar Ugu Dhigaan!!!


Atletico

Inkastoo la wada ogyahay lagana dharagsan yahay in kooxda Atletico Madri ay macalin Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea ku bar barteen una gudbeen kama dambeesta koobka horyaalada Yurub kadib markii 3-1 lagu qaarijiyay Blues hadana sheeko la yaab leh ayaa laga qoray kadib natiijadii kasoo baday kulankii ka dhacay galbeedka magaalada London waxaana si rasmi ah caasha looga qaaday in guud ahaan 11-kii xidig ee uu tababare Diego Simeone kulankan kusoo bilaabay in Fernando Torres kaligiis uu ka qaalisan yahay lacagtii lagu soo gatay, madaama Torres Chelsea kusoo iibsatay £50m sanadii 2011 wuxuu xidigan £20m ka qaalisan yahay markii la isku daray lacagta guud oo ay Atletico kusoo iibsatay 11-xidig ee uu tababar Simeone kusoo bilaabay kulankii London ka dhacay!

Cayaaryahakii ugu qaalisnaa oo ay Atletico soo iibsatay kuna jiray Line Up-kii kulankii Chelsea waa Arda Turan oo qiimo ahaan kooxda reer Spain ugu fadhiyo £10m hadaba isku bar bar dhiga lagu sameeyay Torres kaligiis lacagta laga soo bixiyay iyo guud ahaan Line Up-kii Atletico Hoos kaga bogo:

Courtois – Amaah, Juanfran – €4m, Miranda – Free, Diego Godin – €8m, Filipe Luis – €10.5m, Mario Suarez – Free, Tiago – Free, Koke – Free, Arda Turan – €12m, Adrian – Free, Diego Costa – €1.83m

Qiimaha Guud oo ay 11-ka xidig Atletico ugu fadhiyaan: Total: €36.33m (£29.82m)

Atletico Madrid's Entire Starting XI Cost £20 Million Less Than Fernando Torres

Dhanka Chelsea bal aan fiirino Line Up-ka uu Mourinho kusoo bilaabay lacagaha ay Chelsea ugu fadhiyaan:

Schwarzer – Free, Cole – £5m Iyo Gallas (£18m), Terry – Free, Cahill – £7m, Ivanovic – £9.7m, Azpilicueta – £7m, Ramires – £18.3m, Luiz – €25m Iyo Nemanja Matic (€30m ama £25.5m), Willian – £32m, Hazard – £32m, Torres – £50m

Qiimaha Guud oo ay 11-ka xidig Blues ugu fadhiyaan: £186.5m

Iskaba dhaaf lacagaha guud oo ay ku fadhiyaan xidigaha Chelsea kaliya Fernando Torres ayaa qaalisan 11-kii xidig ee uu tababare Simeone kusoo bilaabay, waxaana la yaab ah xidigahii raqiiska ahaa inay haatan usoo baxeen kam dambeesta tartanka ugu qiimaha badan qaarada Yurub!!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close