Liga Nacional de Fútbol Profesional (LFP) waxaa xili cayaareedkan 2013/14 ku guuleesatay naadiga Atletico Madrid oo taariikh ahaan markeedii 10-aad hanatay horyaalka Spain sidoo kalena horyaalkan xiisaha badan waa markii ugu horeesay mudo 10-sano ah oo laga dhex qaado kooxaha Barcelona iyo Real Madrid waayo 10-sano ugu dambeesay labadan naadi midkood aya La Ligaha qaadayay balse sanadkan isbadal lama huraan ah ayaa dhacay.
La Liga waxaa si rasmi ah loo bilaabay sanadii 1929 inkastoo horyaalkan uu marxalado kala duwan soo maray hadana waa horyaalka ugu wanaagsan qaarada Yurub madaama 5-sano ee ugu dambeesay kooxaha La Ligaha ay in badan tartamada Yurub laga cayaaro natiijooyin wanaagsan la imaanayeen, dhanka daawashada horyaalkan waa mid aan liidanin waayo cel celis ahaan La Ligaha waxaa kulan walbo daawadaan 30,275 oo taageero ah kaliya Bundesligaha iyo Premiership-ka ayaa ka taageero badan.
Atletico Madrid guusha ay xili cayaareedkan gaartay waxay sababtay in horyaalkan uu xiiso gaar ah sii yeesho sidoo kalena daafaha caalamka laga sii jeclaado daraasad lasoo saaray ayaa lagu sheegay in haatan qaarada Yurub horyaalka loogu daawasho badan yahay uu La Ligaha yahay waayo 26-dal oo qaarada Yurub ku taalo ayaa isku raaceen in dalalkooda si joogto ah La Ligaha looga daawado waxaa kusoo xigo Premiership-ka , Budesligaha iyo Serie A-da dhanka daawashada qaarada Yurub.
Wax Ka Ogaaw Sida Loogu Hanashada badan yahay La Ligaha:
Naadi | Tirada ay horyaalka qaaday | Kaalinta 2-aad |
Real Madrid | 32 | 22 |
Barcelona | 22 | 24 |
Atletico Madrid | 10 | 8 |
Athletic Bilbao | 8 | 7 |
Valencia | 6 | 6 |
Real Sociedad | 2 | 3 |
Deportivo La Coruña | 1 | 5 |
Sevilla | 1 | 4 |
Real Betis | 1 |
0 |