Naadiga Real Madrid dhawaan waxay ku guuleesatay “La Decima” markeedii 10-aad koobka horyaalada Yurub waxayna kooxdan aduunka ku qabsatay inay noqotay naadigii ugu horeeyay tartamada Yurub ee 10-jeer ku guuleesto balse Madrid hadal heynteeda intaas kuma dhamanaan doonto waayo 23-kii xiidg ee uu tababare Carlo Ancelotti u xushay inay kooxdan uga qayb qaateen kama dambeestii koobka horyaalada Yurub 12-ka mid ah waxay xagaagan kasoo muuqaan doonaan koobka aduunka ayagoo xulalka tartankan ka qayb qaadan doonaan u kala safan doonaan, Casillas, Ramos iyo Xabi Alonso xulka Spain ayay u cayaari doonaan halka Cristiano Ronaldo, Pepe iyo Coentrão ay xulka Portugal tartankan u matali doonaan.
Sidoo kale Luka Modric isagana xulka Croatia ayuu khadka dhexe u agaasimi doonaa halk Marcelo isagana uu xulka Brazil garabka midig ee daafaca kaga cayaari doono, Angel Di Maria isagana wuxuu u safan doonaa xulka Argentina oo ka mid ah xulalka tartankan loo sadaalinaayo, geeska kale Varane iyo Benzema iyagana xulka France ayay koobka aduunka kala qayb qaadan doonaan cayaaryahanka ugu dambeeyo ayaa ah Sami Khedira oo la hubo inuu khadka dhexe xulka Jarmalka u kala agaasimi doono, taariikh ahaan waa xidigihii ugu badnaa ee ebid koobka aduunka ka qayb qaataan kuwaas oo Real Madrid matalayaan sidaa darteed La Decima kale ayay kooxdan gaartay!
Geeska kale 11-xidig oo Madrid kala qayb qaateen kama dambeestii Champion-ka halka qaarkood ay kulankan safteen kuwo kalena ay kursiga keydka fadhiyeen balse wada qaateen biladii tartankan ayaysan u suura galin inay xagaagan koobka aduunka kasoo muuqdaan siyaabo kala duwan waxayna xidigahaas kala yihiin: Diego López, Jesús, Nacho, Arbeloa, Illarra, Casemiro, Isco, Bale, Morata, Jesé iyo Carvajal.